MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay xaaladda adag ee ka taagan deegaanka Siinaay ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ciidamada dowladda lagu eedeeyay in ay dhibaatooyin u geysteen dad rayid ah oo laga barakiciyay suuqa Siinaay.
Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay dhacdadaasi mid aad looga xumaado oo nasiib darro weyn ah. Wuxuu tacsi u diray shacabka la dhibaateeyay,
“Aad ayaan ugu xunahay waxa ka dhacay manta siinay dadka shacabka ah ee dhulkooda la boobay ayaga oo xuquudooda raadsanayana lagu xadgudbay,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynihii hore wuxuu hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu cabburin karin fikirkiisa, isagoo dowladda ugu baaqay inay cadaaladda hor keento askarta dhibaateysay shacabka.
“Qofna fikirkiisa laguma cadaadin karo. Dowladda waa inay xabsiga geyso askarta dhibaatada u geysatay shacabka,” ayuu ku daray.
Hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo beegmaya iyadoo si isa soo taraysa ay u kordhayaan cabashooyinka ka imaanaya shacabka Muqdisho, kuwaas oo sheegaya in si xoog ah loo barakiciyay isla markaana lagu xadgudbay xuquuqdooda bini’aadantinimo

