Friday, August 28, 2026

Mucaaradka Soomaaliya Oo Dib-u-Dhigay Banaanbaxii ay Dowladda Diidey

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku dhawaaqay dib u dhac ku yimid bannaanbaxii ay mucaaradku qorsheeyeen in uu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho, kadib is-afgarad laga gaaray dadaallo dhexdhexaadin ah oo u dhexeeyay mucaaradka iyo madaxda dowladda federaalka.

Dadaalladan ayaa waxaa hormuud ka ahaa Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye, kuwaas oo guulo ka gaaray xalinta xiisadda siyaasadeed. Sida lagu sheegay shir jaraa’id oo wadajir ah, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in bannaanbaxa uu yahay xuquuq dastuuri ah oo ay muwaadiniintu xaq u leeyihiin, balse dib loogu riixay muddo 9 maalmood gudahood si loo helo fursad farsamo iyo qorsheyn nabdoon.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in mucaaradku weli ku adkeysanayaan in la qabto mudaharaadkooda, balse ay tixgeliyeen baaqyada nabadeed iyo badqabka shacabka. Wuxuu shacabka iyo qaban-qaabiyeyaasha uga cudur daartay dib u dhaca, isagoo xusay in ay hadda diiradda saarayaan sidii bannaanbaxu u noqon lahaa mid si nabad ah ku dhaca.

Inkasta oo mucaaradku sheegeen in aysan ka laaban mowqifkooda, haddana falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa rumeysan in dowladda Federaalka si istiraatiiji ah uga adkaatay mucaaradka, iyadoo ka faa’iideysatay wadahadallada si ay u dejiso xiisaddii taagnayd. Waxaa laga yaabaa in bannaanbaxa la qorsheeyay uu waayo xamaasaddii iyo tiradii shacabka ee la filayay, maadaama waqtigu sii socdo, xaaladuna is beddesho.

Su’aasha hadda la isweydiinayo ayaa ah: Ma awoodi doonaan mucaaradku in ay 9 maalmood kadib ku soo celiyaan xamaasaddii shacabka? Mise dowladda ayaa mar kale guul siyaasadeed ka gaari doonta marxaladdan.

Read more

Local News