NEW YORK, USA – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay casho sharaf heer sare ah oo uu marti-geliyay Madaxweynaha Maraykanka, Mudane Donald Trump, iyo Marwada Koowaad ee Maraykanka, Melania Trump.
Casha sharaftan ayaa lagu qabtay Aqalka Cad, waxaana lagu maamuusay madaxda dalalka ka qaybgalay Meertada 80-aad ee Fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay magaalada New York.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulankan muhiimka ah uga faa’iidaystay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, iyadoo labada dal ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga, horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.

