DAR ES SALAAM, Tanzania –Â Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Tanzania, Congo iyo Bulshadda Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan, ayaa ku guuleystay in xorriyadooda ay dib u helaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo kor u dhaafaysa 50 qof oo ku xirneyd dalka Congo.
Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku kala xirnaa xabsiyo ku kala yaalla qeybo badan oo kamid ah dalka Congo oo ay kamid tahay magaaladda Lubumbashi.
Dowladda Congo ayaa sii deysay muwaadiniintan kadib dadaalo diblumaasiyadeed uu sameeyey Danjire Ilyaas isaga oo matalaya Dowladda federaalka Soomaaliya.
Sii deyntan degdeg ah ayaa waxa ay jawaab u tahay codsi rasmi ah uu saddex maalmood kahor uu Danjire Ilyaas u gudbiyay Safiirka Jamhuuriyada Dimoqraadiga Koongo u fadhiya Tanzania, Amb. Jean Pierra Massala.
Dhanka kale, Danjire Ilyaas oo dowladda Congo uga mahadceliyay sidda degdeg ah oo ay uga soo jawaabtey dalabka dowladda Soomaaliya ayaa balanqaadey in uu sii xoojin doono xiriirka Soomaaliya iyo Congo.

