Home DIBADDA Madaxda Puntland, Jubaland iyo Mucaaradka oo Nairobi ku kulmay Kahor Wadahadallada madaxwayne...

Madaxda Puntland, Jubaland iyo Mucaaradka oo Nairobi ku kulmay Kahor Wadahadallada madaxwayne Xasan Sheekh ee Kismaayo.  

0

Nairobi:Kenya- Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaariintii hore Cabdi Faarax Shirdoon iyo Xasan Cali Khayre, iyo sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo matalaya Madasha Samatabixinta Mucaaradka Soomaaliya.

 

Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay Arlaadi Media in kulankan uu diiradda saarnaa sidii hoggaamiyeyaashan mucaaradka ah ay u mideyn lahaayeen mowqifkooda siyaasadeed, ayna isku waafajin lahaayeen ajandaha ay ku wajahayaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Waxaa lagu soo waramayaa in doodaha ugu waaweyn ee shirka lagu lafa guray ay ahaayeen arrimaha khilaafka ka taagan qaabka doorashada 2026-ka, dib-u-eegista dastuurka, iyo sida loo wajaho wadahadallada Kismaayo ee la filayo in ay yeeshaan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Kulankan ayaa loo arkaa mid saldhig u noqon kara isku xirka iyo mideynta codka mucaaradka, taas oo saamayn ku yeelan karta mustaqbalka wadahadallada siyaasadeed iyo isku dayga lagu doonayo in lagu gaaro heshiis qaran oo ballaaran.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version