Nairobi:Kenya-Magaalada Nairobi ee Kenya ayaa maanta waxaa ka dhacay shir muhiim ah oo ay ka qayb galeen Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ee Soomaaliya, Mudane Axmed Maxammed Islaan iyo Saciid Cabdullaahi Deni, sida sidoo kale ay u matalayeen Madasha Samatabixinta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Raysul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, Saacid Shirdoon, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya, iyadoo lagu heshiiyey in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, si degdeg ahna loo qabto shirka gudaha dalka looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee kala guurka.
Waxa kale oo la isku raacay in la dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka, iyadoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay mideystaan, kana shaqeeyaan nabadgelyada iyo wadajirka, iyadoo Dowladda Kenya lagu ammaanay dadaalkeeda ku aaddan xasiloonida Soomaaliya.
Dhinaca kale, waxaa la filaayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu gaaro magaalada Kismaayo, hase yeeshee safarkiisa ayaa u muuqda mid fashilmay, iyadoo qaar ka mid ah arrimaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka ay keeneen dib u dhac iyo caqabado muuqda .
