KISMAAYO, Jubaland – Shir xalay fiidkii ka bilowday guriga Martida ee Kismaayo oo u dhaxeeyay labada Madaxweyne ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Madoobe ayaa laga gaarin wax natiijo hordhac ah, iyadoo la isku mariwaayey aqoonsiga doorashaddii Jubaland oo uu ka gows adaygay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Kulankii koowaad oo uu garwadeen ka ahaa taliyaha sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji ayaa la sheegay in Madaxweynaha Jubaland uu shuruudda koowaad ee is-afgaradka shirka ka dhigay aqoonsiga doorashadiisii ayna lama taabtaan u tahay doorashada 24 November 2024,waxaana la sheegay in labada dhinac aysan sameyn wax tanaasul ah,waxaana la balamay shir kale oo Maanta lagu wado in uu u furmo labada dhinac.

