BELEDWAYNE, Soomaaliya – Waxaa magaalada Baladweyn lagu qabtay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo diiradda lagu saaray kormeerka bille iyo saddex-biloodle ee mashaariicda ka socda gobolka.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa lagu martiqaaday: Wakiillo ka socda hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo degmo, Shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo horumarinta, La-taliyeyaal iyo khubaro ku takhasusay kormeerka iyo qiimeynta iyo Xubno ka socday bulshada deegaanka

Qodobbadii Diiradda la saaray: Habraaca kormeerka joogtada ah ee mashaariicda, Sida loo ururiyo xogta la xiriirta waxqabadka iyo saameynta, Dhibaatooyinka ka dhasha kormeer la’aanta iyo xal u heliddooda, Isku-xirka hay’adaha iyo la wadaagidda xogta iyo Kor u qaadidda hufnaanta iyo isla xisaabtanka.
Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu ahaa mid miro-dhal ah oo lagu wadaagay waayo-aragnimo, laguna dhisay xirfado cusub oo kor u qaadaya tayada kormeerka. Waxaa la isku raacay in la dardargeliyo kormeerka joogtada ah, lana sameeyo jadwal mideysan oo ay ku heshiiyaan dhammaan daneeyayaasha.

