MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwaynihii hore Soomaaliya ahna hogaamiyaha mucaaradka Shariif Sheekh Axmed, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeyntii uga timid dowladda Soomaaliya ee ku saabsaneyd in ay sameeyeen isku-day afgembi.
Isaga oo taageereyaashiisa kula hadlayay hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho, Shariif ayaa sheegay in tagitaankooda saldhiga degmadda Wardhiigley uu ahaa mid nabadeed si ay u booqdaan maxaabiis ku xirnaa halkaas.
“Haddii dowlad la afgembinayo maxaa laga doonayaa saldhiga degmadda Wardhiigley? Maxaa yaalla halkaas? [maba ahan hoyga madaxweynaha,” ayuu yiri Shariif oo u muuqda mid u jawaabaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Sep 25, 2025 ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaare Xamse uu sheegay in mucaaradka ay sameeyeen isku-day afgembi markii sidda uu hadalka u dhigay ay “weerar hubeysan ku qaadeen saldhiga degmadda Wardhiigley ee Muqdisho”.
Eedeyntaas ayaa timid saacado kadib markii mucaaradka ay tageen saldhigaas iyaga oo wata gaadiid dagaal si ay saldhiga ugu booqdaan mid kamid ah dadweynaha loo xiray in ay ka banaanbaxeen barakicinta iyo dhul boobka.
Ugu yaraan hal askari oo kamid ahaa ilaaladda murashax madaxwayne Xasan Cali Khayre ayaa ku dhintey, halka askari kale oo kamid ahaa ilaaladda Shariif uu isagana halkaas kasoo gaarey dhaawac uu wali isbitaal la yaallo.
Dhacadaas ayaa wax weyn ka badashay loolanka doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya 2026 iyadda oo xukuumadda federaalka ay isku-dayayso in ay dhaqan-geliso amar gaadiidka dagaalka looga xakamaynayo Muqdisho.
“Gaadiidka hubeysan waxaan u sidataa in aan nafteena ku ilaalino,” ayuu Shariif ka sheegay munaasabadda isaga oo u muuqda mid ka digaya in qaab hubeysan la isku dayo in hub ka dhigis loogu sameeyo mucaaradka Soomaaliya.

