MUQDISHO, Soomaaliya – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasabad Balaaran oo ay ku qalinjabinayeen ilaa 1,000 qof oo dhameystay tababarka Barnaamijka dhaqaalaha loo dhanyahay ee Baxnaano kuwaasi oo 600 oo kamid ah ay yihiin Dumar halka 400 oo Kalena ay yihiin Rag.
Barnaamijkan ayaa waxaa maalgalinaya Bangiga Aduunka, waxaana Fulinaya wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada, Hay’adda Hormuud Salaam Foundation iyo Dugsiga Farsamada Gacanta ee Buruuj.
Dadkan ayaa bartay xirfadaha gacanta iyo Ganacsiga 100 kamid ah waxaa si toos ah u shaqaaleysiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation , halka inta soo hartay lagu maalgaliyay Xirfadihii ay barteen ee Gacant aiyo Ganacsiga.
Munaasabad balaaran oo ay ku qalin jabinayeen ardaydan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano, wasiiro, siyasaasiyiin. Aqoonyahano waalidiin, xubno kasocday Bulshada Raydka, dadka ka faa’ideestay Mashruuca Baxnaano iyo Marti Sharaf kale.
Ugu horeen waxaa Munaasabadda ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada XFS Yuusuf Xasan Isaaq oo faafahin ka bixiyay Ujeedka Munaasabadda.
Intaasi kadib waxaa hadalka qaadsatay Maareeyaha Barnaamijka dhaqaalaha loo dhanyahay ee Baxnaano Fardowso Axmed Cabdullahi oo sheegtay in Barnaamijkan uu soo bilowday 2019-kii islamarkaana Heerar kala duwan uu soo maray
Cabdiraxmaan Cilmi Cabdi Atam oo kasocday maamulka Buruuj ayaa dhankiisa ka hadlay Munaasabadda isaga oo ku nuux nuuxsaday muhiimada in dhalinyarada ay bartaan xirfado kaladuwan.
Gudoomiyaha Ururada Bulshada Raydka, Shaatax, Senator Dufle iyo Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada gobolka Banaadir Cabdicasiis ayaa dhankooda Muujiyay Muhiimadda Barnaamijkan uu u leeyahay Bulshada gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay dilootay shaqo la’aanta.
Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka baxaan Shaxaadka ayna bartaan Xirfadaha kala duwan si noloshooda ay u hormarto.
Wasiirka Shaqada iyo arimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan oo munaasabadda Soo xiray ayaa sheegay in sanadka Soo socda ay shaqaaleysiin doonaan 40,000 oo dhalinyara ah.
Shirkadda Hormuud ayaa kaalinta koowaad kaga jirta dhanka shaqaaleysiinta dowliga ah iyo hay’adaha madaxa-banaan. Sida ku xusan warbixin ay soo saartey, waxaa ka howlgala in ka badan 35-kun oo shaqaale Soomaaliyeed taasoo ka dhigan in aysan jirin cid kale doorkan kaga horeysa Hormuud Telecom Somalia.

