Home DIBADDA DANJIRE ILYAS CALI XASAN, OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY MAGALADA LUBUMBASHI...

DANJIRE ILYAS CALI XASAN, OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY MAGALADA LUBUMBASHI EE DALKA KONGO DRC.

0

Lubumbashi, Kongo DRC, Octoober 23, 2025: Wafdi uu hogaaminaayey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo EAC, Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magalada Lubumbashi ee ka tirsan gobolka Haut-Katanga dalka Kongo DRC.

Masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha baarlamaanka gobolka Haut-Katanga mudane Hon. Michel Kabwe Mwamba, duqa magaalada Lubumbashi mudane Hon. Patrick Afwimbi Mumamba, iyo bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey danjiraha.

Danjire Ilyas, Socdaal shaqo ujooga dalka DRC Kongo, ayaa ukuur galaya xaalada dadka Soomaaliyeed kuheysata wadankaas isagoona kulamo kale duwan kulaqaatey Jaaliyada Kudhaqan magaalada Kinshasa sidoo kaleed wuxuu kulamo kala duwan laqaadan doonaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Lubumbashi.

Ugu danbeyn danjiraha ayaa la hadley dadkii soo dhoweeeyey iyo warfidiyeenka isagoona ka mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ay u sameyeen dowladda DRC Kongo, shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqan magaalada Lubumbashi.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version