Home DIBADDA Turkiga oo martigalinaya wajiga labaad ee wadahadalada Pakistan iyo Afghanistan

Turkiga oo martigalinaya wajiga labaad ee wadahadalada Pakistan iyo Afghanistan

0

Islamabad Pakistan:- Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Tahir Hussain And­ra­­bi oo warfidiyeenka kulahadlay caasimadda Islamabad ayaa kawarbixiyay wadahadalada lagu wado in maalinka bari ah kabilowdaan caasimadda Istanbul waxa uuna yiri

“Waxaan soo dhaweynaynaa wajiga koowaad ee wadahadalka labada dal ee kusoo gabagaboobay Doha Qatar 19 October ee sanadkaan, waxa uu talaabo u’ahaa hubinta nabada iyo xasiloonida gobolka”

Kadib maalmo dagaal xuduudeed uu dhexmaray labadaan dal ee dariska ah Magaaladda Doha ee dalka Qatar ayaa martigalisay todobaadkii lasoo dhaafay wadahadalo udhexeeya Islamabad iyo Kabul kaa oo ay garwadeen ka ahaayeen dowladaha Turkiga iyo Qatar, halkaas oo labada dal ee Pakistan iyo Afghanistan ay kugaareen heshiis xabad joojin ah kaa oo isla markiba dhaqangalay.

Xukuumadda Afghanistan Ayaan wax war ah kasoo saarin shirka maalinka barito ah loo madlanyahay

Ugu dambayn wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Tahir Hussain And­ra­­bi ayaa xusay doorka ay dowladaha Qatar iyo Turkiga kuleeyihiin fududeynta wadahadalka labada dal.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version