Home DIBADDA Midowga Yurub iyo Dowladda Masar oo Ku Baaqay Taageero Caalami ah oo...

Midowga Yurub iyo Dowladda Masar oo Ku Baaqay Taageero Caalami ah oo Dheeraad ah oo Loo Fidiyo Soomaaliya.

0

Midowga Yurub (EU) iyo Dowladda Masar ayaa si wadajir ah ugu baaqay in la kordhiyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, iyagoo xusay baahida loo qabo iskaashi caalami ah iyo ka qeybgalka deeq-bixiyeyaal cusub si loo xoojiyo dadaallada lagu dejinayo dalka.

Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay ballanqaadkooda ku aaddan taageeridda barnaamijyada dhismaha dowladnimada, amniga iyo dib-u-habaynta ciidamada Soomaaliya, iyagoo muujiyay walaac ku saabsan halista joogtada ah ee kooxda Al-Shabaab iyo saameynta ay ku leedahay xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay go’aanka Dowladda Masar ee ah inay ku biirto Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), si loo sii xoojiyo nabadda iyo amniga gudaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee lagu taageerayo dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhanka nabadda, dowlad dhiska iyo xasilinta gobolka Geeska Afrika.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version