Home DIBADDA Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Congo oo Kulan La Qaatay Madaxda Gobolka...

Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Congo oo Kulan La Qaatay Madaxda Gobolka Haut Katanga iyo Lubumbashi.

0

Danjirah JFS uqaabilsan dalalka Tanzania iyo Congo Mudane Ilyas Cali Xasan, oo ay wehliyaan Masuuliyiin kasocta Safaarada iyo qaar kamid ah Madaxda Jaaliyada reer Congo, ayaa kulan laqaatey Gudoomiyaha gobolka Haut Katanga, Mudane Martin Kazembe Shula, oo ay Soomaalida kusugan dalka Congo, kuwa ugu badan deganyihiin, sidoo kaleed Gudoomiyaha Baarlamaanka gobolkaas Mudane Hon. Michel Kabwe Mwamba, sidoo kaleed duqa magaalada Lubumbashi mudane Hon. Patrick Afwimbi Mumamba.

Danjiiraha ayaa uga mahad celiyey soo dhoweynta iyo martigelinta wanaagsan ee ay usameeyeen bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan dalkaan wuxuuna usheegey madaxdii uu lakulmey in ujeedkiisu uu yahay xoojinta xiriirka labada dal iyo dad ba.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version