Home DIBADDA Dick Cheney Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Maraykanka oo geeryooday

Dick Cheney Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Maraykanka oo geeryooday

0

Washington USA:- Richard Bruce Cheney oo ahaa madaxweyne kuxigeenkii 46 aad ee dalka Maraykanka ayaa kugeeryooday da’da 84 sana jirka, Cheney waxa uu xilkan hayay sanadihii 2001 da – 2009 ka isagoo kahoos shaqaynayay nidaamkii Madaxweynihii waqtigaas  George W. Bush.

Cheney ayaa gudaha siyaasada dalka Maraykanka looga yaqaanay inuu ahaa madaxweyne kuxigeenkii ugu awooda badnaa taariikhda dalka Maraykanka.

Cheney ayaa lagu xasuustaa inuu hormuud u’ahaa dagaalkii uu Maraykanku kuqaaday dalka Ciraaq sanadkii 2003 da iyo sidoo kale qaabeeyihii dagaalka madaxweynihii xiligaas ee George W. Bush kadib weerarkii 11 september 2001 da kadhacay dalka Maraykanka.

Cheney waxa uu katirsanaa xisbiga Jamhuuriga isagoo sidoo kale soo noqday xoghayaha difaaca, Dick Cheney ayaa ugeeryooday xanuunka wadna garaaca iyo cudurka dhiiga xididada kudhaca oo uu ilaa yaraantiisa qabay iyadoo qaliin wadna badal ah lagu sameeyay sanadkii 2012 kii sida ay sheegeen xubno qoyskiisa katirsan.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version