Garoowe Puntland:- Shirka golaha wasiirada maamulka Puntland oo kaqabsoomay magaaladda Garoowe uuna shir gudoominayay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa lagu go’aamiyay in Wasaaradda Amniga Puntland dib loogu celiyo habka adeega bixinta daganaanshaha iyo dal-ku-galka Baasaboorada Ajnabiga yimaada maamulka Puntland.
Goluha Wasiirada Maamulka ayaa isku raacay in 1-da January 2026, la hawlgaliyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Puntland ee looyaqaano (PID).
Golaha ayaa waxaa la hor keenay warbixin ku saabsan xaaladda Abaareed ee ka jirta gobolada Puntland.
Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay degmooyinka Ceelbuh iyo Baraagaha-qol, oo dhawaan uu degmooyin u magacaabay Madaxweynaha Puntland.
Golaha waxaa loo qaybiyay Wax-ka- badalka Xeerka Maamulka Goboladda, Degmooyinka iyo dhismaha Dowladaha Hoose ee maamulka Puntland, Kaas oo ay golaha wasiirada usoo gudbisay Wasaaradda arrimaha gudaha, si uu goluhu usoo akhriyo oo looga doodo ansixintiisa shirarka xiga ee golaha.
Wasaaradda Deegaanka, ayaa golaha la wadaagtay warbixin iyo talo soojeedin ku saabsan xal uhelida, dhibaatada bacaadka fidaya ku hayo deegaannada Maamulka Puntland.
