Muqdisho Soomaaliya:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay wehliso Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa shir gudoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay howlaha Golaha ee la xiriira meelmarinta shuruucda kaabaysa dowladnimada dalka, gaar ahaan dhaqangalinta shuruucda dalka u horseedeysa doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna guddoomiyuhu bogaadiyay dadaalada guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku aadan diiwangalinta dadweynaha.
Intaasi ka dib xubnaha guddiga ee Golaha shacabka ayaa ka dooday Ajendayaasha hortabinta u leh golaha kalfadhiga todobaad, waxaana xubnaha guddiga si gaar ah ajendeyn ugu sameeyeen ajendayaasha Golaha ee todobaadka soo socda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyey howsha guddiyada Golaha ee ku aadan kor joogtaynta wasaaradaha iyo hay’adaha ay u xilsaaranyihiin.
