London Uk:- Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeedda ayaa markab dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya, kaddib markii koox looga shakisan yahay burcadbadeed ay isku dayeen inay beegsadaan maraakiib ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday Markab ganacsi oo marayey xeebta magaalada Muqdisho, iyagoo rasaas ooda uga qaaday kadib markii ay isku dayeen in ay raacaan markabka dhacdadii ugu horeysay ee looga shakiyay
Weerarkaan iyo weeraro kale ayaa walaac ku abuuray marinka maraakiibta tamarta ee muhiimka ah iyo badeecadaha loo qaado suuqyada caalamka.
Markab kaluumaysi oo sitay calanka Seychelles ayaa sidoo kale todobaadkan ku soo dhawaaday dooni nooca dheereeya ah, halka ilo-wareedyo dhanka amaanka ah ay sheegeen in dooni kalluumaysi oo Iran laga leeyahay ay gacanta ku dhigeen kooxo aan la garanayn.
Kooxda Maareynta Khatarta Badaha Ingiriiska ee Vanguard ayaa sheegtay in ay aad ugu badan tahay in markabka kaluumaysiga loo la wareegay si uu weeraro u qaado.
Hawlgalka Midowga Yurub ee ATLANTA, ayaa sheegay inay ka war hayaan xaaladda, isla markaana ay geynayaan ciidan badeed, iyagoo ka gaabsaday inay faahfaahino dheeraad ah ka bixiyaan sababo ammaan awgood.
