Thursday, August 27, 2026

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Sharciga Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad, waxaana shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kooramka kulanka oo ku furmay 156 Xildhibaan, ayaa ajandihiisu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale iyo sidoo kale qeybinta warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga Ladagaalanka Burcad-badeedka iyo ka hortaga Afduubka ee Sharci LR.36 ee 30-ka Abriil, 1975.

Ugu horayn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka kaa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ogolaatay 154 Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye golaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo natiijadda codeynta ku dhowaaqay..

Sidoo kale xildhibaanada Golaha Shacabka  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Dambiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale kaa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha u akhriyay Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi Maxamed Cusmaan Naastaro.

Maadaama hindise sharciyeedka uu marayay Akhrinta koowaad kama furneyn wax dood ah sida uu qabo xeerhoosaadka Golaha, sidaasi daraadeed Xildhibaano Golaha ka tirsan ayaa waydiiyay dhowr su’aalood oo ku saabsan mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedkan, inuu waafaqsanyahay shareecada Islaamka iyo dastuurka, saamaynta miisaaniyadeed ee uu leeyahay iyo sidoo kale muhiimadda uu dalka u leeyahay wasiiru dowlaha.

Dhinaca kalexildhibaanada golaha Shacabka ee ayaa loo qaybiyay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Dib U eegista Sharciga la dagaalanka Burcad-badeedda iyo ka hortaga Afduubka Sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii April, sanadkii 1975-kii.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedka Dambiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka iyo dadka islamarkaana uu ka mid yahay shuruucda bulshada Soomaaliyeed waxtarka u leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo amray in hindise sharciyeedkan lagu wareejiyo Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad si looga doodo, ayaa sheegay in Baarlamaanka 11-aad, isagoo kaashanaya culimaa’udiinka Soomaaliyeed uu soo saari doono shuruuc looga hortagayo dembiyada iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed.

 

 

 

Read more

Local News