Home DIBADDA Turkiga oo Xaqiijiyay Geerida Dhamaan Askartii Saarnayd Diyaarad Milatari oo Ku burburtay...

Turkiga oo Xaqiijiyay Geerida Dhamaan Askartii Saarnayd Diyaarad Milatari oo Ku burburtay Georgia

0

Wasaaradda difaaca dalka Turkiga ayaa xaqiijisay geerida 20 sarkaal oo u dhashay Turkiga kagadaal markii ay burburtay diyaarad Milatari oo ay lasocdeen kana soo kacday Magaaladda Ganja ee dalka Azerbaijan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo kahadlay shilka diyaaradeed ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay sidoo kalana tacsi udiray ehelada marxuumiinta, si lamid Madaxweynaha Azerbaijan Illham Aliyev oo kahadlay dhacdada geerida saraakiisha Turkiga ah ayaa tacsida lawadaagay madaxweynaha Turkiga

Diyaarada Milatari ee burburtay ayaa ah mid ay si wayn u’isticmaalaan ciidanka qalabka sida ee Turkiga  ayagoo u’adeegsada howlaha daabulida, iyo qaadida saadka ciidanka

Wasiiradda difaaca dalka Turkiga ayaa sheegtay in iyadoo kaashaanaysa dowlada Georgia ay bilowday baaritaanka shilka sababay burburka diyaarada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version