London Britain:- Safaaradda Dalka Siiriya ay ku lahayd Ingiriiska ayaa dib loo furay Khamiista maanta ah kadib 13 sano oo ay xirnayd tan oo muujinaysa soo noqosho taariikh ah oo ku’aadan dib ubilaabashada howlaha diblomaasiyadeed ee Siiriya iyo Ingiriiska.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Siiriya Ascad Al- Sheybaani oo booqasho rasmi ah kujooga dalka Ingiriiska ayaa kaqaybgalay xaflada furitaanka Safaarada oo kadhacday barxada dhismaha Belgrave Square building.
Boqolaal shacab ah oo kasoo qaybgalay munaasabada furitaanka Safaarada ayaa kor uruxay calanka dalka Siiriya iyagoo sidoo kale soo bandhigay ciyaar qoob ka ciyaar ah kadib furitaanka safaarada oo tan iyo 2012 kii xirnayd.
Ingiriiska iyo 10 dal oo kale oo reer Galbeed ah ayaa cayriyay diblomaasiyiinta Siiriyaanka ah ee kusugnaa dalalkooda iyagoo albaabada isigu dhuftay safaaradaha ay Siiriya kulahayd dalalkaas kadib xasuuq ay gaysteen ciidan daacad u’ahaa madaxweynihii hore ee Siiriya Bishaar Al- Asad.

Dowladda cusub ee Siiriya oo uu hogaamiyo Axmed Al – Sharac ayaa iskudayaysa dib usoo celinta xiriirada dalalka caalamka.
Madaxweynaha Siiriya Axmed Al- Sharac ayaa isaga qudhiisu kusugan caasimada Maraykanka ee Washington halkaa oo uu kulan kula qaadanayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isagoo noqonayo madaxweynihii ugu horeeyay ee lakulma madaxweyne xil kahaya dalka Maraykanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Siiriya oo kahadlay dib ufuritaanka Safaarada ayaa tilmaamay in Siiriya ay kusoo noqonayso caalamka iyadoo xor ah, kadib cayrintii Madaxweynihii hore Bishaar Al- Asad oo oo xukunka dalkaas hayay 24 sano Siiriya ayaa soo cehanaysa xiriiradiiay caalamka lalahayd.