Thursday, August 27, 2026

Madaxwaynihii 9aad ee Soomaaliya Farmaajo oo Dib Ugu Soo Laabtey Muqdisho

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safarro gaar ah oo uu ku tagay dalal dibadda ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Muqdisho waxa uu sii xoojinayaa dadaallada heer Qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed, qabsoomidda doorasho loo dhan yahay iyo adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdhllaahi Farmaajo waxa uu kulammo wadatashi oo ku saabsan xaaladda dalka iyo duruufaha ay la daalaa-dhacayaan shacabka Soomaaliyeed la qaadan doonaa hormuudka siyaasadda, masuuliyiin iyo haldoorka bulshada.

Read more

Local News