Home DIBADDA Dab Ka kacay Magaalada Belem Ee Dalka Brazil Halkaas uu kasocday Shirka...

Dab Ka kacay Magaalada Belem Ee Dalka Brazil Halkaas uu kasocday Shirka COP 30 ee looga hadlayay Isbadalka Cimilada

0

Belem Brazil- Shirka isbadalka cimilada COP 30 ee ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kaas oo ay martigalisay Brazil ayaa hakad galay kadib dab kakacay goobtii uu kasocday,  iyadoo martidii kaqaybgalaysayna ladaadgureeyay lagana saaray magaaladda Belem.

Dabka oo socday muddo lix daqiiqo ah ayaa waxyeeleeyay 13 qof, lama oga ilaa hada waxa sababay dabka, Wadahadalada looga arrinsanayay isbadalka Cimilada ayaa marayay meel gabagabo ah iyadoo ay harsanayd talaabooyinka ay ahayd in laqaado silooga hortago cimilada sii kululaanaysa ee caalamka, dabka kacay goobta ayaana caqabad kunoqday sii socoshada shirka iyadoo gabi ahaanba lajoojiyay

Kumanaan ruux ayaa soo xaadiray shirka isbadalada cimilada ay kamid yihiin marti Sharaf kala duwan oo kakala socda dalalka caalamka, Kudhawaad 200 oo dal ayaa isku dayaya inay isku raacaan sidii wax looga qaban lahaa isbadalka cimilada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version