Arusha Tanzania- Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Ambassador Ilyaas Cali Xasan ayaa waxba kama jiraan kutilmaamay wararka sheegaya in maxkamada EACJ ay go’aamisay in dib loo celiyo xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan usoo xushay Baarlamaanka EALA.
Hadalka Ambassador ka ayaa udhignaa sidatan “Maxkamada waxay dib udhigtay kaliya waa waqtiga ay soo saarayso go’aanka kama dambayska ah ee xukunka dacwada”
Xubno saluugsan habka ay kusoo bexeen xildhibaanada Dowladda Soomaaliya kumatalaya Xildhibaanada Ururka Bulshada Bariga Afrika EALA ayaa dacwad kagudbiyay hanaanka loo maray xulista xildhibaanada, Maxkamada qaadaysa dacwada ayaana dib udhigtay waqtiga ay soo saarayso go’aanka kama dambayska ah ee dacwada.
