Thursday, August 27, 2026

Puntland oo shacabkeeda uga digtay qaadashada Kaarka NIRA.

Share

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka falceliyay hadal maanta kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh oo ahaa in Al-Shabaab ay qaadan karaan kaarka aqoonsiga ee Hay’adda NIRA.

Caydiid ayaa si weyn uga horyimid hadalkan, wuxuuna sheegay in cid kasta oo qaadata kaarka NIRA ay u aqoonsan doonaan cadow, ayna xiri doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kaarka NIRA ebel sharci darro ayuu ku yimid wax Soomaali isku raacsaneyd maaheyn, Xasana isagaa hadda Madaxweyne ah isagaana sheegtay inuu Al-Shabaab kaarka siinayo”.

Read more

Local News