Maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay siyaasado cusub oo adag, kuwaas oo faraya in si kiis-kiis ah dib loogu qiimeeyo dhammaan Green Card-yada ay haystaan dadka ka yimid dalal ay ugu yeereen “countries of concern” ama dalalka walaaca leh.
Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu jirta liiskan 19-ka dal ee ay maamulka Mareykanku doonayaan in la marsiiyo kormeer cusub oo ku saabsan deggenaanshahooda rasmiga ah ee Mareykanka.
Tallaabadan ayaa ka dhigan in:
Dadka Soomaaliyeed ee haysta Green Card laga yaabo in la weydiiyo macluumaad dheeri ah,
In dib loo qiimeeyo sababihii ay u heleen deggenaanshahooda,
Iyo in kor loo qaado hubinta amniga (security vetting) ee ku saabsan socdaalkooda iyo taariikhdooda.
Soomaaliya waxay hore ugu jirtay liisaska xayiraadaha socdaalka, iyadoo siyaasaddan cusub ay sii kordhinayso culeyska saaran Soomaalida ku nool Mareykanka ama doonaysa inay halkaas u safarto mustaqbalka.
Soomaaliya oo ku jirta liiska dalalka ay maamulka Trump dib-u-eegista adag ku sameyn doonan Green Card-yadooda.
Share
Read more

