Home DIBADDA Soomaaliya oo ku jirta liiska dalalka ay maamulka Trump dib-u-eegista adag ku...

Soomaaliya oo ku jirta liiska dalalka ay maamulka Trump dib-u-eegista adag ku sameyn doonan Green Card-yadooda.

0

‎Maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay siyaasado cusub oo adag, kuwaas oo faraya in si kiis-kiis ah dib loogu qiimeeyo dhammaan Green Card-yada ay haystaan dadka ka yimid dalal ay ugu yeereen “countries of concern” ama dalalka walaaca leh.

‎Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu jirta liiskan 19-ka dal ee ay maamulka Mareykanku doonayaan in la marsiiyo kormeer cusub oo ku saabsan deggenaanshahooda rasmiga ah ee Mareykanka.

‎Tallaabadan ayaa ka dhigan in:

‎Dadka Soomaaliyeed ee haysta Green Card laga yaabo in la weydiiyo macluumaad dheeri ah,

‎In dib loo qiimeeyo sababihii ay u heleen deggenaanshahooda,

‎Iyo in kor loo qaado hubinta amniga (security vetting) ee ku saabsan socdaalkooda iyo taariikhdooda.


‎Soomaaliya waxay hore ugu jirtay liisaska xayiraadaha socdaalka, iyadoo siyaasaddan cusub ay sii kordhinayso culeyska saaran Soomaalida ku nool Mareykanka ama doonaysa inay halkaas u safarto mustaqbalka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version