Fess Morocco- Ugu yaraan 19 ruux ayaa geeryooday halka 16 ruux ay dhaawacmeen kadib markii ay kusoo dumeen dhismayaal laba ah, dhismayaasha labada ah ayaa laxaqiijiyay inay daganaayeen sideed qoys oo ay kujiraan dhowr caruur ah.
Booliska iyo kooxaha difaaca xuquuqda shacabka ayaa ugurmaday dadka ay waxyeelada kasoo gaartay burburka dabaqyada, dhaawacyada ayaa loo gudbiyay isbitaal Jaamacadeed kuyaala magaaladda Fess.
Bishii September dibadbaxayaal ayaa kamudaaharaday xaaladaha sii xumaanaya ee Morocco ee sababay fakhriga iyo adeeg xumada dowladeed ee haysata.
Bishii February ee sanadkii lasoo dhaafay 5 qof ayaa ugeeryooday guri kudumay isla magaalada Fess.
Sanadkii 2023 ka dowladda dalka Morocco ayaa sheegtay in 12,000 oo guri oo kuyaala Marrakesh iyo gobolo udhaw ay unugulyihiin inay dumaan, sida ay kuwarameen warbaahinada maxaliga ah.
