Home DIBADDA Dagaal Xuduudeed Dhexmaraya Dalalka Thailand Iyo Cambodia Maalinkii Labaad

Dagaal Xuduudeed Dhexmaraya Dalalka Thailand Iyo Cambodia Maalinkii Labaad

0

Cambodia & Thailand- Dagaal xuduudeed u dhexeeya dalalka Thailand iyo Cambodia ayaa maalintii labaad soconaya iyadoo uu kusii fidayo qaybo horleh, labada dal ee Thailand iyo Cambodia ayaase midba midka kale ku eedeynaya duqaynta goobaha shacabka.

Lataliye sare oo ka tirsan xafiiska ra’iisulwasaaraha Cambodia Hun Manet oo lahadlay wakaalada wararka Reuters ayaa usheegay “In dalkiisu diyaar u’ahaa wadahadal waqti kasta” Wasiirka arrimaha dibada Thailand oo isna waraysi bixiyay ayaa sheegay inuusan wax wada hadal ah oo ay galayaan waxa uuna intaa raaciyay in xaaladaan ay tahay mid aan ubaahnayn dhinac sadexaad oo dhexdhexaadiya.

Taangiyada Thailand ayaa madaafiic kugaraacay xarun lagu magacaabo Casino oo kutaala xadka labada dal isla markaasna ciidamada Cambodia u’ahayd kaydka hubka, ciidamada Thailand ayaa qaaday weeraro iyo duqaymo cirka ah oo ay kubeegsadeen bartilmaameedyo milatari.

Thailand ayaa doonaysa inay u xidida siibto awooda dalka ay dariska latahay ee Cambodia, sarkaal sare ooh adlay maalinimadii shalay ahayd ayaa sheegay in ujeedada ciidanku ay tahay inay cuuryaamiyaan awooda milatariga Cambodia, ayna tahay qorsha muddo fog soo socday.

Wasaarada difaaca Cambodia ayaa Talaadada maanta ah sheegtay inay ciidankeedu wax doorasho ah uhaysan inay qaataan door isdifaacid ah ayadoo Thailand ku eedaysay in si aan naxariis lahayn ubartilmaameedsanayso goobaha ay dadka shacabka daganyihiin.

Xoghayaha Maraykanka Marco Rubio ayaa qoraal uu soo saaray ugu baaqay labada dhinac in si degdeg ah loo joojiyo colaada dibna loo bilaabo heshiiskii lagaaray October ee uu goobjooga ka ahaa Donald Trump.

Labada dal ayaa sheegay inay qaxeen boqolaalkun oo ruux oo kusugnaa xadka, wasaarada difaaca Cambodia ayaa sheegtay in ladilay sagaal qof halka labaatan Kalana ladhaawacay tan iyo maalintii isniinta, si lamid ah Thailand ayaa iyana sheegatay in laga dilay afar askari halka 29 kale laga dhaawacay.

Ra’iisulwasaaraha Thailand Anutin Charnvirakul ayaa meesha kasaaray in lagalo wax wadahadal ah isagoo amray milatariga dalkiisa inay waajib tahay inay dhamaystiraan howlgalka.

Xasarado ayaa ladareemayay tan iyo markii Thailand ay joojisay talaabooyin ay kamid yihiin in lakala qaado ciidamada is horfadhiya iyo siidaynta maxaabiista Cambodian ka ah, askari kasoo jeeda Thailand ayaa kunaafoobay mina dhulka ladhigay, Thailand ayaa sheegtay in maanadu qayb ka ahayd miinooyin dhowr ah oo ay sheegtay inay dhigeen ciidanka Cambodia, Cambodia ayaa iyaduse gaashaanka udaruurtay eedaas.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version