Friday, August 28, 2026

Netanyahu Oo ku Dhawaaqay Inuu Aqoonsaday Somaliland

Share

Telaviv Isra’il- Xafiiska ra’iisulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa qoraal uu soo saaray kusheegay in Isra’il ay dal u’aqoonsatay maamulka Somaliland.

Muuqaal kooban oo laga siidaayay ayaa muujinaya wada hadal kooban oo dhexmaraya madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxman Ciro iyo ra’iisulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, golaha wasiirada Somaliland ayaa salaada Jimce kadib looga yeeray madaxtooyada, iyadoo saacado ay dadku is waydiinayeen waxa dhabta ah ee socda.

Aqoonsiga ay Isr’ail aqoonsatay maamulka Somaliland ayaa ah mid waafaqsan hindisaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trumb, ee Abraham Accord.

Isra’il waxay intaa kudartay inay balaarinayso xiriirka ay leedahay Somaliland iyadoo iskaashi kala yeelanaysa dhinacyada; Beeraha, Caafimaadka, Technology yada, iyo Dhaqaalaha.

Somaliland ayaa iyadu soo dhawaysay aqoonsiga ay siisay Isra’il iyadoo kutilmaantay guul taariikhi ah, dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo kajawaabaysa warkan ayaa uu ra’iisulwasaaraha Soomaaliya shir isugu yeeray golihiisa wasiirada lamana oga waxa ay kayeelayaan talaabada ay qaaday Isra’il.

Maamulka Somaliland ayaa kudhawaaqay inuu yahay dal kamadax banaan Soomaaliya inteeda kale wixii kadambeeyay 1991 kii markaa oo ay burburtay dowladii 21 sano katalinaysay dalka  Soomaaliya.

Read more

Local News