Home DIBADDA Shirkadda DP World Oo Sheegtay inay sii Soconayaan Heshiiskii Ay Kujoogtay Dekada...

Shirkadda DP World Oo Sheegtay inay sii Soconayaan Heshiiskii Ay Kujoogtay Dekada Berbera

0

Dubai, UAE – Shirkada maamusha dekadaha ee DP World ayaa shaaca kaqaaday inaysan saameyn kuyeelan doonin go’aanada ay gaartay dowladda Soomaaliya ee kadhanka ah Imaaraatka Carabta, ayna sii wadan doonto howlaheeda dekada Berbera ee maamulka Somaliland.

Dowlada Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay kulan ay yeesheen golaha wasiirada kugaaray in la laalo dhamaan heshiisyadii amni, difaac iyo Ganacsi ee ay dowladda Soomaaliya kula jirtay dalka Imaaraatka Carabta.

Shirkada DP World ayaa qoraal ay soo saartay kusheegtay inay diirada saarayso howlaha amni ee hufnaanta leh iyo sidii loo gaarsiin lahaa fududeynta ganacsiga iyo faa’idooyinka dhaqaale ee Somaliland gobolka geeska Afrika.

Imaaraatka Carabta xiriir dhaqaale iyo amnio o gooni ka ah Soomaaliya laleh Somaliland, isagoo kumaalgaliyay in kabadan 442 million oo dollar taas oo shirkada maamusha dekadaha ee DP World ay ku hormarisay dekada Berbera, una maamusho.

Dowladda Soomaaliya ayaa gaartay go’aan si rasmi ah usaameynaya shirkadan maamusha dekadaha kaas oo khuseeya dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, Go’aankaan ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version