Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo xaalada dalka, gaar ahaan go’aankii golaha wasiirada Soomaaliya ay kulaaleen heshiisyadii ay kula jireen dowlada Imaaraatka Carabta.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dunida ay si isku mid ah iyadoo isticmaalayso ereyada ugu adag kudiiday isku dayga Isra’il ee kala qeybinta dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in lagama maarmaan noqotay qaadashada go’aano taabanaya heshiisyada kala dhexeeyay dalalka qaarkood oo ay dowlada Soomaaliya u’aragtay kuwa aan u’adeegeyn midnimada dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale carabka kudhuftay sababta ay dowlada Soomaaliya uburisay heshiisyada ay kula jirtay Imaaraatka Carabta waxa uuna isagoo kajawaabaya yiri “Imaaraatka Carabta waxaan la lahayn xiriir wanaagsan oo Soomaaliya ugashay si niyadsamaan ah hase yeeshee Imaaraatka Carabta uusan ula dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madaxbanaan, madaxweynaha ayaa xusay in dowlada Soomaaliya aysan dedegin marar badanna ay kadalbatay Imaaraatka carabta in Soomaaliya ula dhaqmaan sida hal dal, joojiyaanna habka docfaruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo galayaan dalka, iyagoo kukacaya arrimo aanay mararka qaarkood kawarhayn dowlada Soomaaliya kana dhex fuliya Soomaaliya kuwaas oo xadgudub ku ah Soomaaliya”.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay qasab noqotay inay qaataan go’aanadii kasoo baxay golaha wasiirada, madaxweynaha ayaa sheegay in go’aanadaani yihiin kuwa ku saleysan difaaca danaha qaranka, madaxbanaanida dalka iyo dhowrista midnimada dhuleed.
Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale tibaaxay marka ay cadaato in heshiisyada qaarkood culays kuyihiin danaha qaranka inay waajib tahay inay qaadaan talaabo.
