Home Gudaha Madaxweynaha Soomaaliya Oo Lafilayo Inuu Gaaro Laascaanood Todobaadka Soo Aadan

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Lafilayo Inuu Gaaro Laascaanood Todobaadka Soo Aadan

0

Laascaanood, Soomaaliya – Masuuliyiin kala duwan oo heer federal ah kana kooban Wasiiro, Xildhibaano, iyo Saraakiil ayaa tan iyo maalinimadii shalay gaarayay magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dhawaan ayaa waxaa soo baxay warar tibaaxaya in madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu socdaal kutagi doono magaalada Laascaanood bilowga todobaadka soo aadan, socdaalka madaxweynaha ee Laascaanood ayaa ah mid siweyn isha loogu hayo iyada oo uu noqonayo madaxweynihii ugu horeeyay ee taga magaaladaasi in kabadan 40 sano.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale kudaaban caleemasaarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabduqaadir Firdhiye oo August sanadkii hore loo doortay madaxweynaha maamulkaas.

Safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale ah mid saameyn kuyeelanaya maamulada Somaliland iyo Puntland oo daris la’ah dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, iyadoo Somaliland sheegato in magaalada Laascaanood tahay qeyb kamid ah dhulkeeda.

Sanadkii 2023 ka maamulka Somaliland ayaa Magaalada Laascaanood kageystay duqeymo iyagoo sidoo kale kugaraacay madaafiic muddo sided bilood ah, hase yeeshee dadka deegaanka oo gurmad balaaran kahelaya dhinacyo badan ayaa kuguuleystay inay caasimada Laascaanood kasaaraan maamulka Somaliland 25 August 2023.

Dowlada Soomaaliya ayaa maamul kumeel gaar ah u’aqoonsatay isla maarkaas iyadoo fartay in muddo laba sana gudahood ah lagu dhameystiro dhismaha maamul ay bulshada wada dega gobolada Sool iyo Sanaag uwada dhan yihiin.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa booqasho kutagay magaalada Laascaanood April 2025 ka isagoo noqday masuulkii ugu sareeyay ee kasocda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ee gaara magaalada Laascaanood, kadib sanado uu ka arriminayey maamulka Somaliland.

Tagista madaxweyne Xasan Sheekh ee Laascaanood ayaa imaanaysa xili horaantii sanadkan 2026 ka ay Isra’il kudhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, aqoonsigaasna uu kadhashay xasarado siyaasadeed saameeyay gobolka geeska Afrika iyo sidoo kale dowladaha Carabta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version