Cairo, Egypt – Dowlada Masar ayaa balaarisay howlgalkeeda milatari ee Soomaaliya kadib aqoonsigii Isra’il ee maamulka Somaliland,horaantii Bishan January.
Ilo siyaasadeed oo Masar ka soo jeeda ayaa sheegay in Masar ay ballaarisay ujeeddooyinka milateri ee Soomaaliya si ay u ilaaliso madaxda hadda jirta ee Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud iyo dowladdiisa. Waxaa sidoo kale la sheegay in Masar ay bedeshay meelaha ciidamada ku sugan yihiin si ay ula jaanqaadaan yoolalka cusub ee qorshaysan.
Masar waxay si cad u diidan tahay wax kasta oo saameyn ku yeelan kara mideynta dawladnimada Soomaaliya iyo midnimadeeda dhuleed.
Sida ay madaxdeedu sheegeen, aqoonsiga Somaliland ayaa ah mid kudisan jabinta mabda’a caalamiga ah ee xurmaynta xuduudaha qaranka, Masar ayaa sheegtay in tallaabadan ay noqon karto qayb ka mid ah qorshayaal sharci darro ah, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira xaaladda Qasa, taasoo tilmaamtay in Israa’iil ay albaabada u furayso qorshayaal ballaaran oo mustaqbalka ah.
Dalka Masar oo dhaca marin biyood istaraattiji ah ayaa kawalaacsan in aqoonsiga Isra’il ee Somaliland keeni karo:
Joogitaanka militariga ee dal shisheeye oo ku dhow marin biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandeb (halkaas oo ay Masar u aragto muhiimad aad u weyn).
Awood cusub oo Israa’iil ku yeelato Geeska Afrika: taas oo lagu sii xoojin karo iskaashi la leh Itoobiya, taas oo ay Masar la dagaallanto muddo dheer dacwadda biyaha Wabiga Niil.
