Home DIBADDA Maraykanka oo Magacaabay Madaxa Kumeelgaarka ah ee Safaaraddiisa Muqdisho

Maraykanka oo Magacaabay Madaxa Kumeelgaarka ah ee Safaaraddiisa Muqdisho

0

Washington, USA – Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u magacowday madax ku meelgaar ah (Chargé d’Affaires) oo hoggaamin doona howlaha Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, kaddib markii bishii hore Madaxweyne Donald Trump uu dib ugu yeeray Safiirkii Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya, Richard H. Riley.

Magacaabistan ayaa muujinaysa isbeddel cusub oo ku yimid jihada diblomaasiyadeed ee Washington ee ku aaddan Soomaaliya, xilli uu Maraykanku dib u qaabeyn ku sameynayo xiriirkiisa dibadda, gaar ahaan dalalka istaraatiijiga ah ee Afrika.

Mas’uulka cusub, Justin Davis, ayaa loo igmaday xilka Chargé d’Affaires, waxaana uu qaabilsan doonaa sii wadista xiriirka diblomaasiyadeed, xoojinta wada shaqeynta labada dal, iyo ilaalinta danaha Maraykanka ee Soomaaliya, isagoo ku shaqayn doona siyaasadda maamulka Trump ee loo yaqaan “America First”.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Soomaaliya iyo Maraykanku wadaagaan iskaashi dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo taageerada hay’adaha dowladda, kuwaas oo saldhig u’ah xiriirka labada dhinac.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version