New York, US – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan degdeg ah kayeeshay banaanbaxyada ka aloolsan gudaha Iiraan, iyadoo ay sii socdaan hanjabaadaha uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ujeedinayo hogaamiyayaaha Iiraan.
Xubnaha hogaaminaya Golaha Amaanka ee qaramada Midoobey ee 15 ka ah ayaa dhageystay kuxigeenka wakiilka Iiraan ufadhiya Qaramada Midoobey oo sheegay inaysan Iiraan doonayn gardaro balse ay jawaab kabixin doonaan gardarada Mareykanka, isagoo xukuumada Washington ku eedeeyay inay sitoos ah ugu lug leedahay rabshadaha kasocda Ii raan.
Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobey Mike Waltz oo jeedinaya khudbadiisa ayaa ku dhaleeceeyay jawaabta dowlada Iiraan ee dibaxyada ka aloolsan dalkeeda, isagoo xusay in go’itaanka Internet ka uu adkeeyay in laxaqiijiyo, la ogaado xaalada dhabta ee howlgalada ay maamulka Iiraan halkaas kawadaan.
Mike Waltz wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobey kama uusan jawaabin hanjabaadaha tira beelka ah ee ka imaanaya dowladiisa gaar ahaan madaxweynaha Mareykanka Donld Trump oo kuhanjabay inuu weerari doono Iiraan.
Kuxigeenka ergeyga Iiraan ee Golaha Amaanka Gholamhossein Darzi ayaa golaha usheegay inuusan dalkiisa doonayn wax colaad ah ama kacdoon, waxa uu isagoo hadalkiisa siiwata sheegay in gardaro kasta oo toos ah ama dadban oo dalkiisa kuwajahan ay lakulmi doonto jawaab sharci ah oo udhiganta sida kuxusan qodobka 51 aad ee Axdiga Qaramada Midoobey.
Kulanka degdega ah ee Khamiista ayaa yimid iyadoo Mareykanka uu cunaqabateyn dheeri ah ku soo rogay hoggaanka Iiraan, oo uu ku jiro Ali Larijani, Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran (SNSC), iyo mas’uuliyiin kale oo badan, kuwaas oo uu ku sheegay inay yihiin “naqshadeeyayaasha” jawaabta “arxandarrada” ee Tehran ee mudaaharaadyada.
