Laascaanood, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Soo loo caasimad u’ah dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale magaalada Laascaanood Saaka gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor halkaasoo lagu wado inuu kaga qeyb galo xaflada caleema saarka madaxda dowlad goboleedka Waqooyi Bari.
Madaxda dowlada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee gaaray Laascaanood ayaa lafilayaa inay maalinka bari ah kaqeyb galaan caleemasaarka madaxweynaha, iyo madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya; Cabduqaadir Axmed Firdhiye iyo Cabdirashiid Yuusuf Abwaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa kudhawaaqday inay aqoonsatay maamulka Waqooyi Bari oo markiisii hore lagu magacaabi jiray SSC Khaatumo.
Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa iyagu si adag uga soo horjeeda dhismaha maamulka Waqooyi Bari iyagoo midkasta uu sheegano lahaanshiyaha dhulka iyo in Laascaanood tahay qeyb kamid ah dhulkooda.
Booqashada madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa imaaneysa xili isbadalo waaweyn kadhacayaan guud ahaan geeska Afrika, iyadoo uu sanadkaan kubilowday hardan adag oo kajira Soomaaliya iyo Geeska Afrika kadib markii Isra’il kudhawaaqday inay dal madaxbanaan u’aqoonsatay maamulka Somaliland.
Booqashada madaxda Soomaaliya ay maanta kugaareen qeyb kamid ah gobolada Waqooyi ayaa dhanka kale kadhigan mid diraysa fariin ah inaanu jirin Waqooyi mideysan oo Soomaaliya ka go’aya.

