Home DIBADDA Trump oo Soo Jeediyay in Maraykanku Dib u Dhexdhexaadiyo Wada-Hadallada Masar iyo...

Trump oo Soo Jeediyay in Maraykanku Dib u Dhexdhexaadiyo Wada-Hadallada Masar iyo Itoobiya ee Khilaafka Webiga Niil.

0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay in dowladda Maraykanku dib u cusboonaysiiso doorkeeda dhexdhexaadinta wada-hadallada u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, kuwaas oo muddo dheer isku hayay isticmaalka biyaha Webiga Niil.

Soo jeedintan ayaa lagu xusay farriin rasmi ah oo Madaxweyne Trump uu u diray Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi, taas oo uu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo is-faham wadajir ah iyo mas’uuliyad la wadaago si loo maareeyo kheyraadka biyaha Niil.

Madaxweyne Trump ayaa carrabka ku adkeeyay in Webiga Niil uu yahay kheyraad ay wadaagaan dalal badan, isla markaana loo baahan yahay in lagu maamulo wadatashi iyo is-afgarad, si dhammaan dalalka ku teedsan wabiga ay uga faa’iideystaan, iyada oo aan waxyeello loo geysan xasilloonida iyo wada-noolaanshaha gobolka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli khilaafka Niil uu weli saameyn ku leeyahay xiriirka Masar, Itoobiya iyo dalalka kale ee gobolka, iyadoo beesha caalamkuna ay marar badan ku baaqday xal wadahadal ku dhisan.

Hoos Ka Akhriso Warqada Ka soo Baxday Aqalka Cad.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version