Home DIBADDA Sacuudi Carabiya oo wada-hadallo la leh Masar iyo Soomaaliya oo ku saabsan...

Sacuudi Carabiya oo wada-hadallo la leh Masar iyo Soomaaliya oo ku saabsan isbahaysi milatari.

0

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhow inay soo gabagabayso heshiis lagu dhisayo isbahaysi ciidan oo cusub, kaas oo ay wada galayaan Soomaaliya iyo Masar, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee Bloomberg.

Heshiiskan ayaa lagu sheegay mid ujeedkiisu yahay xoojinta doorka amni ee Riyadh ee gobolka Badda Cas, isla markaana lagu doonayo in lagu dheellitiro saameynta sii kordhaysa ee Imaaraadka Carabta ee gobolka.

Warbixintu waxay soo baxday xilli Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, lagu wado inuu u safro magaalada Riyadh, isaga oo ka ambabaxaya Muqdisho, si uu uga qayb galo wada-hadallo la xiriira arrimaha amniga iyo iskaashiga milatari.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu booqasho rasmi ah ku tago Sacuudi Carabiya muddada soo socota, si loo dhammeystiro heshiiskan istaraatiijiga ah.

Heshiiska cusub ayaa diiradda saaraya xoojinta amniga badda ee Badda Cas, wadaagga xogta sirdoonka, tababarrada ciidamada, iyo ballaarinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Saddexda dal, taas oo la filayo inay door muhiim ah ka ciyaarto xasilloonida iyo amniga gobolka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version