Home DIBADDA Yoweri Museveni Oo Kuguuleystay Doorashada Uganda Markii Todobaad Oo Xiriir Ah

Yoweri Museveni Oo Kuguuleystay Doorashada Uganda Markii Todobaad Oo Xiriir Ah

0

Kampala, Uganda – Gudiga Doorashooyinka Uganda ayaa shaaciyay natiijada doorashada madaxtinimada Uganda, oo maalintii Khamiistii 15 ka January ay dadweynaha Uganda udareereen.

Madaxweynaha xilka haya ee Yoweri Museveni ayaa markii 7 aad oo xiriir ah kuguuleystay doorashada isaga oo kusoo baxay codad dhan 71.65% halka murashaxa sida aadka ula loolamay ee Bobi Wine uu helay 24.72% sida ay sheegeen gudiga doorashooyinka.

Museveni oo 82 jir ah ayaa Uganda soo xukumayay tan iyo sanadkii 1986 dii.

Bobi Wine ayaa dadweynaha ugu baaqay inay qabtaan banaanbax aan rabshado wadan isagoo kubaaqay in lasoo celiyo Internet ka.

Waxaa jiray ilaa iyo lix murashax kuwaa oo aan helin waxkabadan 2% codadkii latiriyay.

Mudada ololaha ayaa ahayd mid ay hareeyeen carqaladeyn joogto ah oo ay sameynayeen ciidanka booliska Uganda iyadoo lagu eedeeyay weerar iyo xarig ay ugeysteen taageerayaasha Bobi Wine, afhayeenka booliska oo kajawaabaya eedeynta loo jeediyay ayaa gaashaanka udaruuray sheegashada mucaaradka waxa uuna tilmaamay in taageerayaasha mucaaradku wadaan carqaladeyn.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version