Home Federaalka Wararka Gudaha Danjirayaal Kasocdo Dalalka Sucuudiga, Turkiga, Iyo Suudaan Oo Gaaray Magaalada Laascaanood

Danjirayaal Kasocdo Dalalka Sucuudiga, Turkiga, Iyo Suudaan Oo Gaaray Magaalada Laascaanood

0

Laascaanood, Soomaaliya – Safiirada dalalka Sucuudiga, Suudaan iyo Turkiga ee Soomaaliya ayaa saaka gaaray magaalada Laascaanood ee dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya iyadoo maalinimadii shalay ay sidoo kale gaareen Laascaanood wafti kasocda dowlada Djabuuti.

Safiirada ayaa lafilayaa iney kaqeybgalaan caleema saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabduqaadir Axmed Firdhiye.

Madaxda ugu Sareysa Soomaaliya sida Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha, Agaasimaha Nabadsugida, Taliyaha Booliska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug qaar kamid ah golaha wasiirada iyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusugan magaalada Laascaanood si ay uga qeybgalaan caleemasaarka Firdhiye.

Sanado kahor dadka deegaanka ayaa kuguuleystay inay meesha kasaaran nidaamkii maamulka Somaliland oo sanado halkaa katalinayay kadib kacdoon ay sameeyeen dadka shacabka ah.

Kaqeybgalka Caleema saarka madaxweynaha dowlad gooleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa waxaan qeyb ka aheyn madaxda maamulada Somaliland iyo Puntland oo iyagu uu midwalba sheegto Laascaanood inay katirsantahay maamulkooda.

Caleema saarka madaxda Waqooyi Bari ayaa sidoo kale kusoo aaday xili isbadal weyn oo siyaasadeed uu kadhacay Geeska Afrika kadib markii Isra’il kudhawaaqday inay dal madaxbanaan u’aqoonsatay maamulka Somaliland.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version