Wednesday, October 21, 2026

Ciidan Kusugan Gobolka Alaska Oo loo Diyaarinayo In Lageeyo Minnesota

Share

Alaska US ___ Ciidan Kabadan 1500 oo askari oo kusugan gobolka Alaska ee dalka Mareykanka ayaa laqorsheynayaa in loo daabulo gobolka Minnesota sida uu sheegay xubin kamid ah difaaca Mareykanka.

Masuul katirsan difaaca Mareykanka ayaa sheegay in ladiyaariyay ciidanka, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump na markasta oo uu go’aansado inay howlgalaan ay howlgalayaan.

Dibadbaxyo kadhan ah waaxda Socdaalka iyo canshuuraha Mareykanka ee ICE ayaa kasocda gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis halkaasoo ciidamada Ice ku ay bartilmaameedsanayaan soo galootiga sharci darada kujooga dalka Mareykanka.

Masuuliyiinta Minnesota ayaa kubaaqay in banaanbaxyada si nabdoon oo taxadar leh ay kudhacaan kadib markii askari katirsan ciidanka Ice uu toogasho kudilaynin American ah oo lagu magacaabo Renee Good horaantii todobaadkaan.

Madaxwynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku andacooday inuu isticmaalayo, xeer kadhan ah kacdoonka kaasoo milatariga u’ogolaanaya fulinta howlaha sharciga ah gudaha dalka Mareykanka.

Read more

Local News