Thursday, August 27, 2026

Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

Share

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar qaatay laba maalmood oo ay kugaareen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool halkaas oo ay kaga qeyb galayeen caleema saarka madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Cabduqaadir Axmed Firdhiye, iyo kuxigeenkiisa Cabdirashiid Abwaan.

Soo laabashadooda ayaa imaaneysa xili muddo kooban kaharsantahay waqtigii ay golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uqabteen madaxweynaha Soomaaliya inuu kuqabto shir wadatashi oo loo wada dhanyahay taasoo ahayd muddo bil ah oo ku eg 20 January 2026 ka.

Shir ay isugu yimaadeen madasha Samatabixnta Soomaaliyeed iyo madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa dabayaaqada sanadkii tagay kaqabsoomay magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland kaas oo laga soo saaray war murtiyeed kakoobnaa 17 qodob oo mid kamid ah uu si toos ugu socday madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya kaasoo ahaa inuu bil gudeheed isugu yeero dhamaan Saamileyda Siyaasadeed si looga heshiiyo doorasho waqtigeed kudhacda.

Read more

Local News