Home Federaalka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Kahadashay Dagaal Ciidanka Dowladda Iyo Alshabaab Dhexmaray

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Kahadashay Dagaal Ciidanka Dowladda Iyo Alshabaab Dhexmaray

0

Muqdisho, Soomaaliya – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka, ka dib markii cadowga loo geystay jab xooggan iyo khasaare badan.

Waxaa hadda socda hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, kaas oo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkaynayaan go’aankooda ah in ay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, si loo sugo amniga loona difaaco shacabka Soomaaliyeed.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version