Thursday, August 27, 2026

DFS oo dib u celisay Ciidankii hubaysnaa ee Siciid Deni & Axmed Madoobe ee Kusoo Wajahnaa Muqdisho.

Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo kasoo kala qaaday magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, kuwaas oo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Ciidamadan oo la sheegay inay ahaayeen ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaasha maamuladaasi, ayaa la filayay in maanta ay soo gaaraan magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, wararka la helayo ayaa tilmaamaya in diyaaradaha siday ciidankaasi dib loo celiyay.

Ciidankaasi ayaa saakay baraha bulshada qabsaday ayaga oo wato hub culus ,taas oo dhalisay hadal-heyn iyo dareen xooggan oo ka dhex abuurmay bulshada.

 

Ilaa iyo hadda wax war rasmi ah kama soo bixin Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Jubbaland oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay tallaabadan, balse arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada lana rabo in shir looga hadlaayo khilaafaadka siyaasadeed ee tagan uu ka furmo Muqdisho.

Wixii faahfaahin dheeraad ah ee kasoo kordha, Arlaadi kala soco.

Read more

Local News