Wednesday, August 26, 2026

Dagaal Kadhacay Magaalada Baydhabo Iyo Khasaaraha Oo Aan Si Rasmi Ah Loo Ogaan Karin

Share

Baydhabo, Soomaaliya – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo marti galisay dagaal geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba, dagaalka ayaa bilowday galinkii dambe ee shalay, waxaana maqan isgaarsiinta magaalada.

Dagaalka ka socda magaalada Baydhabo ayaa Shalay barqadii ka billowday meel aan ka fogeyn suuqa xoolaha oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada.

Dagaalka ayaa markale dib u bilowday subaxnimada saaka, dagaalka ayaa larumeysanyahay inuu yahay mid udhexeeya ciidanka daraawiishta Koofurgalbeed iyo ciidan taabacsan sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Nishow.

Dhinaca kale xubno mucaarad ah oo dhaliilsan nidaamka madaxweynaha maamulka Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa magaalada Muqdisho kuqabtay shir jaraa’id oo ay kaga hadlayaan dagaalka galay maalintii labaad ee kasocda magaalada Baydhabo.

Wasiirka warfaafinta Koofurgalbeed Maxamed Ibraahim Bilaal oo isna Baydhabo shir jaraa’id kuqabtay ayaa sheegay in “Burcadii lasoo afjaray sibuuxdana ciidanka amniga Koofurgalbeed ay ula wareegeen goobihii lagu dagaalamay”.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee khasaaraha, iyadoo xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ay weli kacsan tahay, kana taagan yihiin walaac xooggan oo ku saabsan saameynta dagaalladan ku yeelan karaan shacabka rayidka ah.

Dagaalka kasocda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kusoo aadaya xili dalka iyo guud ahaan deegaanada maamulka Koofurgalbeed ay kajirto abaar saameysay nolosha dadka shacabka ah.

Read more

Local News