Muscat, Oman : — Wadahadalo aan toos aheyn oo udhexeeya Masuuliyiin Mareykanka iyo Iran kasocda ayaa kasoconaya caasimada dalka Cumaan ee Muscat, kadib todobaadyo xaalad kacsanaan ahi jirtay iyo iska hor imaad milatari laga cabsi qabay inuu dhex maro labada dal.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araghchi ayaa usocdaalay caasimada dalka Cumaan ee Muscat si uu uga qeybgalo wadahadalada Mareykanka iyo Iran, si lamid Mareykanka ayaa isna soo diray laba kamid ah lataliyayaasha madaxweyne Donald Trump waa Steve Witkoffe iyo Jared Kushnarsi ay qeyb uga noqdaan wadahadalada Cumaan kasoconaya ee ladoonayo in lagu dajiyo xiisada udhaxeysa Iran iyo Mareykanka.
Afhayeen uhadlay wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in hadafka kulanku uu yahay sidii labada dal kugaari lahaayeen “Heshiis cadaalad ah oo ay labada dhinac kuqanacsanyihiin kuna saabsan arinta Nuclear ka”.
Mowduucyada ugu muhiimsan kulanka labada dhinac ayaa ahaanaya dooda Nuclear ka Iran iyadoo maamulka madaxweyne Trump uu dabada kariixayo qorshayaasha kugadaaman hubka Nuclear ka Iran inay noqdaan kuwa miiska wadahadalada saaran, haseyeeshee ay Iran si cad udiiday.
Dhinaca kale Masuuliyiin Iran kasoo jeeda ayaa kadigay joogista taliska dhexe ee Mareykanka ama masuuliyiin milatari ah gobolka ay cuuryaaminayaan sii socoshashada wadahadalka, inta lagu guda jiro wadahadalada aan tooska aheyn ee u dhexeeya labada dal.
