Baydhabo, Soomaaliya : — Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo kahadlay masjid uu ku oogay salaadii Jimcaha ayaa kunuuxnuuxsaday dagaalkii kadhacay magaalada Baydhabo xarunta kumeelgaarka Koofurgalbeed labadii maalin ee lasoo dhaafay.
Magaalada Baydhabo ayaa martigalisay dagaal kabilowday muran dhuleed isuna rogay mid saameeya nolosha iyo isku socodka magaalada, iyadoo marqura uu meesha kabaxay khadka Internet ka.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale kaqabsoomay shirar iska soo horjeeda oo lagu dhaliilayay maamulka hadda ka arrimiya Koofurgalbeed iyo sidoo kale mid lagu taageerayo maamulka Koofur galbeed isla mar ahaan taasna lagu dhiirigalinayo ciidamada daraawiishta Koofurgalbeed, dhaliilna loogu jeedinayo dowlada federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in “Sababaha keenay in maamulku hoos fiiriyo oo uu gacmaha kalaabto waxyaabaha kadhacaya Baydhabo in tahay inay maamulku diidanyahay inla idhaahdo Baydhabo ayaa xabad kadhacday”, dadka dagaalkaan dhacay kulugta leh ayuu kutilmaamay “Iney ahaayeen dad qorshe iyo ajendayaal siyaasadeed leh”.
Madaxweyne Laftagareen oo hadalka sii wataayaa sheegay in sababaha ay dagaalka uga baaqsan waayeen ay kamid tahay in “La idhaahdo dowladnimo maba jirto, Amni majiro, Cadaalad majirto, Shaqa majirto ay gaarto”, madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay ina wixii dhacay aysan aheyn wax ay raali ka yihiin ama kufaraxsanyihiin.
Madaxweyne Laftagareen ayaa uduurxulay siyaasiyiinta kursi doonka ah ee kasoo horjeeda isagoo usheegay “Fidno cid wax kuheleysa maleh, xilna laguma helo, xoolana laguma helo, aduun iyo aakhira beel baa se laga qaadaa, wixii ilaahey kuu qoray adoon walaalkaa dilin, walaashaa qixin ayuu ilaahey kusiinayaa, waxkasta oo oo wanaag lagu waayana inaan xumaan lagu heleyn”.
Laftagareen ayaa usheegay qofkasta oo xil raadinaya inuu wanaag kuraadiyo qofkasta oo wax rabana wax reebto.
Madaxweyne Laftagareen ayaa xusay in “Koofurgalbeed aysan aheyn wax uu isagu leeyahay hase yeeshee uu katagaayo maalintii uu alle uqoro inuu katago”.
