Muqdisho, Soomaaliya – Kulankii wadajirka ahaa ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow soo xirmay kaa oo ay wadajir ushir gudoominayeen gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa dib u eegista dastuurka, gaar ahaan marxaladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka badalka dastuurka iyo sidoo kale cutubka 4-aad ee wax ka baddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah.
Kulanka labada gole ee maanta ayaa ahaa mid xasaasi ah kadib markii goluhu dib u furay dhameystirka dastuurka, iyadoo ay jiraan xildhibaano laga joojiyay kaqeybgalka fadhiyada golaha shacabka iyo aqalka sare sababo lagu lagu sheegay inay baarlamaanka kadhexsameeyeen carqaladeyn fadhiyadii udambeeyay ay labada gole wadajir uyeeshaan, halka kuwa qaarna loo diray digniino kama dambeys ah.
Xildhibaanada laga joojiyay kaqeybgalka kulamada baarlamaanka ayaa sida ay wararka qaar tibaaxayaan lagu dhajiyay sawiradooda barkontoroolada laga ilaaliyo madaxtooyada gaar ahaan Sayidka, iyo Ceelgaabta.
Xildhibaanada Mucaaradka ah iyo kuwa laga joojiyay fadhiyada ayaa shir jaraa’id kuleh hotel kuyaala magaalada Muqdisho iyagoo ka arrinsanaya waxa ay kayeelayaan ganaaxa iyo is hor istaaga looga sameeyay fadhiyada baarlamaanka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan joogto ah oo ay sameynayaan xildhibaanada diidan waxkabadalka dastuurka, iyadoo shirgudoonka baarlamaanku isku dayayaan inay xakameeyaan xildhibaanada fadqalalada kawada fadhiyada iyagoo ciidamo kusoo daabulaya gudaha xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa, iyadoo laxasuusanyahay in fadhigii udambeeyay ee golaha shacabka ay kudhaawacantay xildhibaanad kamid mudanayaasha golaha shacabka kadib markii sida lasheegay uu dhaawac gaarsiiyay askari kamid ah tiro askar ah oo gudoonku soo galiyay gudaha, hase yeeshee buuq dheer kadib ay xildhibaanada diidan waxkabadalka dastuurka ay sameeyeen laga saaray askarta gudaha golaha shacabka.
