Home DIBADDA DP World Oo Xilka Kaqaaday Gudoomiyeheeda, Kagadaal Markuu Kasoo Muuqday Epstein File

DP World Oo Xilka Kaqaaday Gudoomiyeheeda, Kagadaal Markuu Kasoo Muuqday Epstein File

0

Dubai, UAE ____  Shirkada Maamusha dakadaha ee DP World ayaa xilkii madaxii ugu sareeyay Sultan Ahmed bin Sulayem, kadib markii uu kasoo muuqday faylashii ay soo bandhigtay waaxda cadaalada Mareykanka ee Epstein File.

Shirkada ayaa qoraal ay soo saartay jimcaha maanta ah in  Essa Kazim umagacowday guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha iyo Yuvraj Narayan oo ah madaxa fulinta kooxda, isagoo badalaya Sultan Ahmed bin Sulayem.

Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa madax ka ahaa shirkadda ugu weyn ee dekedda Dubai isagoo guddoomiye u ahaa tan iyo 2007 iyo sidoo kale Madaxa ugu sareeya CEO tan iyo 2016 ka.

War saxaafadeedka shirkada laguma xusin Sulayem hae yeeshee waxay sheegtay in shirkaddu ay xaqiijisay in ballamaha cusub ay taageerayaan istaraatiijiyadeeda koritaanka joogtada ah iyo xoojinta doorka ay ku leedahay xoojinta silsiladaha sahayda caalamiga ah iyo taageeridda booska Dubai ee hormuudka u ah ganacsiga iyo saadka.

Sababaha keenay in labadalo Sultan Ahmed Bin Suley ayaa waxaa qeyb ka ah cadaadis kuyimid shirkada DP World kagadaal markii cadaadis lagu saaray Sulayem inuu iscasilo ka dib markii saaxiibada caalamku hakiyeen heshiisyo cusub oo ay la galeen DP World, iyagoo ugu baaqay shirkadda inay qaado tallaabada loo baahan yahay.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version